War Xun: Chelsea Oo Uu Ka Maqnaan Doona Xiddig Hogaamiye U Ah Kulanka PSG.

Tababaraha Chelsea Liam Rosenior ayaa la hadlay warbaahinta isagoo isu diyaarinaya kulanka ay la leeyihiin Paris Saint-Germain ee UEFA Champions League.

PSG ayaa 5–2 ku garaacday Chelsea kulankii lugta hore ee ka dhacay Paris toddobaadkii hore, sidaas darteed Chelsea waa inay sameeyaan wax aad u adag marka ay ku ciyaarayaan West London haddii ay rabaan inay gaaraan wareegga Quarter-final.

Chelsea waxay kulankan soo galayaan iyadoo ay 3 guuldarro ka qaateen 5-tii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan, kadib markii ay 1–0 kaga adkaatay Newcastle United kulankii Premier League ee Sabtidii.

Reece James wuu maqnaan doonaa

Wararka ayaa sii xumaaday Rosenior kadib markii uu xaqiijiyay in Reece James uusan ciyaari doonin kulanka sababo la xiriira dhaawac.

Rosenior wuxuu yiri:“Reece wuxuu dareemay wax ku dhacay muruqa hamstring-ka dhamaadkii kulankii Newcastle. Wali si buuxda uma ogin sida uu u culus yahay dhaawacu, laakiin ma ciyaari doono kulanka berri. Waxaa laga yaabaa inuu noqdo dhaawac culus, sababtoo ah dhaawaca hamstring-ka mar walba ma fiicna”

“Waxaan rajaynaynaa inaan scan ku sameyno si aan u ogaano sida dhabta ah ee uu yahay dhaawacu. Malo Gusto maanta wuu xanuunsan yahay, markaa berrito ayaan eegaynaa xaaladdiisa. Sidoo kale Filip Jörgensen wuxuu dareemay xanuun qoor-goynta (groin), waxaana sidoo kale lagu sameyn doonaa baaritaan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga