Wararka xun ayaa isaga soo daba dhacaya kooxda Man City Kadib markii ay 5 xiddig ka bexeen waajibaadka xulalkooda bisha November sabab la xidhiidha dhaawaca.
Man City ayaa si weyn ugu dhibaatoonaysa dhaawac taas oo door muhiim ah ka ciyaartay natiijooyinka xun ee kooxda wakhtiyadii ugu dambeeyay.
Kooxda Man City ayaa la kulantay 4 guuldaro oo xidhiidh ah tartamada oo dhan.
Xidhiidhka Belguim ayaa xaqiijiyay in uu Jérémy Doku ka baxay liiska xulka qaranka sabab la xidhiidha dhaawac.
Sidoo kale xiddigaha Phill foden, Jack Grealish, Matheus Nunes iyo xiddigaha Akanji ayaa sidoo kale dhaawac uga baxay kulanka.
Be the first to comment