“Waligay Ma Arag Dhaawacan Oo Kale!!” – Jurgen Klopp Oo Ka Qayliyey Dhaawaca Alexis Mac Allister

Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay, in aanu waligii arag nooca dhaawaca soo gaadhay khadka dhexe ee kooxdiisa ee Alexis Mac Allister oo waxyeello muruqa iyo jilibka ah ay kasoo gaadhay ciyaartii Sheffield United.

Xiddigan reer Argentina ee xulka qarankiisa kula guuleystay Koobka Adduunka, ayaa ka baxay aroonka kulankii Bramall Lane isaga oo jilibka xanuun badan ka dareemaya, waxaana uu ka maqnaaday kulankii Crystal Palace ee Sabtidii.

Mac Allister ayaa sidoo kale aan qayb ka ahayn ciyaartoyda Liverpool ee u safartay waddanka Belgium oo caawa ay kooxdiisu kula soo ciyaarayso Union Saint-Gilloise, sidoo kalena waxa uu seegi doonaa ciyaarta Manchester United ee horyaalka Premier League ee Axadda.

Tababare Jurgen Klopp oo wax laga weydiiyey dhaawaca Mac Allister, ayaa yidhi: “Waa uu ka culus yahay dhaawaca Macca sidii aanu markii hore moodaynay. Waxa uu markii hore ka cabanayay jilibka, laakiin hadda muruqa iyo laftu halkay iska galaan weeyaan.

“Anigu waligay ma arag dhaawac noocan oo kale ah, waxaana Macca uu dareemayaa xanuun badan. Marka hore waa in ay laftu bogsato, kaddibna muruqa oo caabuq galay, balse muddo dheer ma maqnaan doono.

“Sidii aan hore idiinku sheegay, xaaladdiisa waxaynu ula soconaynaa si maalinle ah, mana ciyaarayo kulanka xiga oo diyaar ma aha, balse waxa aan rajaynayaa in saddex ama afar maalmood kaddib uu tallaabo weyn samayn doono, waynu arki doonaa.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga