Walcott Oo Arsenal Uga Digay Koox Si Halis Ah Ugu Jirta Horyaalka.

Weeraryahankii hore ee England Theo Walcott ayaa uga digay Arsenal inay Chelsea u aragto tartame dhab ah oo quus galin kara Premier League xilli-ciyaareedkan.

Walcott waxa uu ka hadlay Sky Sports, isaga oo ka falcelinayay barbaraha 1-1 ah ee Arsenal iyo Chelsea Axaddii.

Chelsea waxay hogaanka qabatay bilowgii qeybta labaad inkasta oo ay ku ciyaarayeen 10 ciyaaryahan kaddib casaan la siiyay Moises Caicedo.

Walcott wuxuu sheegay in Arsenal ay qasab tahay inay ixtiraamaan dadaalka Chelsea ee hanashada horyaalka.

Isagoo hadlaya, wuxuu yiri:

“Aniga waxay ila tahay haa. Dhibkii Arsenal sanadkii hore wuxuu ahaa inay aad u badnaayeen kulamada ay barbaraha galeen. Chelsea sanadkan dhibaatohoodu waa kaadhadhka cas ee badan”

“Xilli-ciyaareedkan waxaa jiray waqtiyo badan oo ay sabir badan muujiyeen marka ay la ciyaarayaan kooxaha waaweyn, laakiin waxa kaliya ee ay u baahan yihiin waa inay kor u qaadaan xawaaraha laga bilaabo bilow ilaa dhammaad”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga