Wakhtiga Uu Alexander-Arnold Ku Soo Laabanayo Garoomada Oo La Ogaaday.

Warbixinno saxaafadeed ayaa shaaca ka qaaday waqtiga uu Trento Alexander-Arnold, difaaca midig ee xulka Ingiriiska iyo kooxda Real Madrid ee dalka Spain, dib ugu soo laabanayo garoomada si uu mar kale ugu ciyaaro kooxdiisa.

Ciyaaryahankan 26-jirka ah ayaa dhaawac soo gaaray intii lagu jiray ciyaartii u dhexeysay kooxda Real Madrid iyo kooxda Marseille ee Faransiiska, taasoo ku dhammaatay guul 2-1 ah oo ay gaareen Los Blancos bishii la soo dhaafay.

Warbixinadii hore waxay sheegayaan in xiddiga reer England uu garoomada ka maqnaan karo muddo u dhaxaysa lix ilaa siddeed toddobaad.

Sida uu weriyey wariyaha caanka ah Fabrizio Romano, waxaa la filayaa in Trent Alexander-Arnold uu ku soo laabto garoomada laba toddobaad gudahood, si uu diyaar ugu noqdo kulanka weyn ee ka dhici doona horyaalka La Liga, oo ay Real Madrid wajahdo kooxda Barcelona.

Kooxda Los Blancos ayaa la filayaa inay martigeliso kooxda Blaugrana fiidnimada 26-ka October ee bishan, ciyaartaas oo ka dhici doonta garoonka Santiago Bernabéu, iyadoo ay tahay kulanka 10-aad ee xilli ciyaareedka horyaalka La Liga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga