Wakhtiga Shaqada Laga Caydhin Karo Erik Ten Hag Oo La Shaaciyay.

Erik ten Hag waxa uu haystaa laba kulan si uu u badbaadiyo shaqadiisa, sida uu qabo halyeyga Manchester United Dwight Yorke.

United ayaa wajihi doonta Porto kulan ka tirsan Europa League Khamiista, ka dibna waxa ay u safri doontaa Aston Villa kulan ka tirsan Premier League Axadda.

Weeraryahankii hore ee United Yorke, oo xubin ka ahaa kooxdii ku guuleysatay 3-da koob sanadkii 1999 ayaa sheegay in labadaas kulan go’aamin doonaan mustaqbalka Ten Hag.

United ayaa hoos u dhacday kaalinta 13-aad ee horyaalka Premier League ka dib markii ay guuldarro 3-0 ah ka soo gaartay Tottenham axadii, taasoo cadaadis saartay Ten Hag. Yorke ayaa yiri: “Rikoorku wuxuu muujinayaa in United ay inta badan ka fiicnaato Villa Villa Park, laakiin waxaan qabaa in ay Villa haatan ka fiicantahay United”.

“Waxaan qabaa in Villa aad iyo aad ugu kalsoonaan doonto. Tani waxay noqon kartaa qodobka go’aaminta Erik ten Hag, sidoo kale. Waxaan u maleynayaa in Ten Hag uuna qaadi karin guuldaro kale”.

“Haatan waxa aan diirada saaraynaa kulanka Fc Porto ee Europa League kadib dareenka ayaa u jeedsan doona Premier League waxana uu imanayaa kadib guuldaradii Tottenham”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga