Wakhtiga Shaqada Arsenal Laga Caydhin Doono Mikel Arteta Oo La Saadaaliyay.

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Arsenal, Robert Pires, ayaa aaminsan in kooxdiisii hore ay Shaqada ka caydhin doonto Mikel Arteta haddii uu ku guuldareysto inuu xilli ciyaareedkan ku guuleysto horyaalka Premier League.

Sida uu sheegay Pires, horyaalka Premier League weli gacanta uguma dhicin Arteta, waxaana Arsenal raadin doontaa tababare cusub oo beddela Arteta haddii uusan keenin koobka horyaalka xilli ciyaareedkan.

Arteta ayaan weli ku guuleysan horyaalka Premier League tan iyo markii uu xilka kala wareegay kooxda Emirates shan sano kahor.

Kooxda Arteta ayaa ku dhammaysatay kaalinta labaad ee horyaalka Premier League saddexdii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay.

Sidaas darteed, Arsenal ayaa taageero buuxda siisay Arteta intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaaga, isaga oo si weyn ugu dadaalaya inuu ku guuleysto horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkan.

“Aniga ahaan, haddii Arsenal aysan sanadkan wax koob ah ku guuleysan, maamulka kooxda wuxuu tixgelin doonaa beddelidda tababaraha,” ayuu Pires u sheegay Foot Mercato.

“Wuxuu kooxda joogay shan sano, nasiib darro se horyaalku wuu ka maqnaa. Waxa ugu muhiimsan ee taageerayaashu doonayaan waa horyaalka.

“Lacag baa la geliyay suuqa kala iibsiga xagaaga. Wuxuu dalbaday waxyaabo gaar ah, waxaana ka aqbalay maamulka Arsenal.

“Haddii Arsenal aysan horyaalka ku guuleysan, waxaan aaminsanahay in isbeddel dhab ah lagu sameyn doono kursiga tababaraha.

“Ma sahlanaan doonto maxaa yeelay waxaad leedahay Liverpool, Manchester City ayaa halkaas joogta, Chelsea-na ma sii fogaan doonto. Laakiin waxaan u maleynayaa in Arsenal hayso fursadaha iyo ciyaartoyda horyaalka lagu hanan karo.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga