
Xilli ciyaareedka 2024/25 ee Premier League waxa uu dhamaaday wax ka yar bil ka hor, laakiin waxa Durba loo jeedsan doonaa xilli ciyaareedka cusub.
Inkastoo xagaagan aysan jirin tartan caalami ah oo weyn, Koobka Kooxaha Adduunka oo dib loo habeeyay ayaa la macno ah in ay nasasho yar heli doonaan xiddiguhu.
Kooxda Liverpool ayaa ku guulaysatay horyaalka premier League markii 20-aad ee taariikhdooda iyada oo Slot hogaaminayay kooxda xilli ciyaareedkii ugu horeeyay.
Xilli ciyaareedka cusub ee Premier League ayaa bilaabmaya badhtamaha bisha August ee soo socota laakiin xiisaha ayaa bilaaban doona marka la soo saaro jadwalka premier League.
Goorma ayaa la soo saari doonaa jadwalka Premier League?
Jadwalka toddobaadlaha ah ee dhammaan 380-ka ciyaarood ee xilli ciyaareedka 2025/26 ee horyaalka premier League ayaa loo qorsheeyay Arbacada, Juun 18.
Waxa la sii dayn doonaa 9 subaxnimo wakhtiga UK kuna beegan 11 barqanimo ee wakhtiga Somalia.
Be the first to comment