Waxaa la soo xiray habeenkii Arbacada tartankii wejiga koowaad ee Champions League xilli-ciyaareedka 2025–2026, iyadoo ay ku dhammaatay si xiiso leh ilaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee wareeggii ugu dambeeyay, taas oo mar kale xaqiijisay in tartankani yahay kan ugu xoogga badan uguna adag tartamada qaaradda ee heerka naadiyada.
Sida uu shaaciyay bogga rasmiga ah ee Xiriirka Kubadda Cagta Yurub (UEFA) isku aadka kooxaha ciyaari doona kulamada kala baxa ayaa la samayn doonaa maalinta jimcaha kuna beegan 30 bisha January.
Waxaa la qorsheeyay in kulamada kala baxa la ciyaaro 17 iyo 18-ka February (lugta hore), iyo 24 iyo 25-ka February (lugta labaad), halka kulamada wareegga 16-ka la ciyaari doono 10 iyo 11-ka March(lugta hore), iyo 17 iyo 18-ka March (lugta labaad).
Kooxaha u soo baxay wareegga kala baxa waa: Real Madrid, Inter, Paris Saint-Germain, Newcastle, Juventus, Atlético Madrid, Atalanta, Bayer Leverkusen, Borussia Dortmund, Olympiacos, Club Brugge, Galatasaray, Monaco, Qarabag, Bodø/Glimt, iyo Benfica.
Siddeed kooxood ayaa si toos ah ugu soo baxay wareegga 16-ka, kuwaas oo kala ah: Arsenal, Bayern Munich, Liverpool, Tottenham, Barcelona, Chelsea, Sporting Lisbon, iyo Manchester City.
Waxaa xusid mudan in isku aadka wareegga 16-ka la qaban doono 27-ka February ee soo socda.
Be the first to comment