Diyaar-garowga loogu jiro Koobka Adduunka 2026, oo ay martigelinayaan Canada, Mexico iyo Maraykanka, ayaa si rasmi ah u bilaabmay.
Kadib fasaxa caalamiga ah ee 10–18 November, kaas oo ahaa wareeggii ugu dambeeyay ee isreeb-reebka tooska ah ee qaaradaha kala duwan, hadda waxa la og yahay sawirka guud ee xulalka ka qayb-galay tartanka oo ay ka qayb gali doonaan 48 xul.
Koobka Adduunka 2026 waxaa lagu qaban doonaa Kennedy Center ee magaalada Washington DC 5 December. Waxaa lagu go’aamin doonaa sida ay noqon doonaan Group-yada koobka adduunka.
Iyadoo la adeegsanayo nidaamka cusub ee 48 dal, waxaa lagu kala qeybin doonaa 12 group oo mid kasta ka kooban 4 waddan.
Group kasta wuxuu ka kooban doonaa mid kasta oo ka mid ah Pots 1, 2, 3, iyo 4.
Dalka martigelinaya — Canada, Mexico, iyo Maraykanka — waxaa si toos ah loogu daray Pot 1, waxayna horey u leeyihiin guruubyadooda cayiman. Dalalka kale waxay ku salaysan doonaan qiimeynta FIFA World Ranking ee ugu dambeysay.
Halkan kaga sida ay xulalku u kala galeen Pot-yada kala duwan.
Pot 1: Canada, Mexico, United States, Spain, Argentina, France, England, Brazil, Portugal, Netherlands, Belgium, Germany
Pot 2: Croatia, Morocco, Colombia, Uruguay, Switzerland, Senegal, Japan, Iran, South Korea, Ecuador, Austria, Australia
Pot 3: Norway, Panama, Egypt, Algeria, Scotland, Paraguay, Ivory Coast, Tunisia, Qatar, Uzbekistan, Saudi Arabia, South Africa
Pot 4: Jordan, Cape Verde, Ghana, Curacao, New Zealand, Haiti, Guulaystaha 1-aad ee is reeb-reebka yurub, guulaystaha 2-aad ee is reeb-reebka yurub, guulaystaha 3-aad ee is reeb-reebka yurub, guulaystaha 4-aad ee is reeb-reebka yurub.
Guulaystaha 1-aad ee is reeb-reebka qaaraha adduunka Iyo Guulaystaha 2-aad ee is reeb-reebka qaaraha adduunka
Be the first to comment