Waa Sidee Tartanka Gooldhalinta Yurub Xilli Ciyaareedkan.

Waxa aan wali la qabsanaynaa in ayna Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo u tartamayn gooldhalinta yurub sanadihii ugu dambeeyay.

Xilli ciyaareedkii hore Harry Kane waxa uu ku guulaystay kabta dahabka ah ee Yurub ee ugu horaysay, abaal marinta la siiyo gooldhaliyaha ugu sareeya horyaalada Yurub, laakiin weeraryahanka Bayern Munich ayay shaqo adag u taalaa hadii uu doonayo in uu sii haysto abaalmarinta.

Waxa lagu jiraa xilli ciyaareed xiiso badan iyada oo xiddigo badan ku tartamayaan gooldhalinta yurub.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Robert Lewandowski ayaa hogaaminaya gooldhalinta yurub isaga oo 15 gool u dhaliyay kooxdiisa Barcelona horyaalka La Liga.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Bayern Munich ee Harry kane kaas oo dhaliyay 14 gool horyaalka Bundesliga.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Atalanta ee Mateo Retegui kaas oo dhaliyay 12 gool horyaalka Talyaaniga.

Robert Lewandowski – 15 goals

Harry Kane – 14 goals

Omar Marmoush – 13 goals

Mateo Retegui – 12 goals

Erling Haaland – 12 goals

Mohamed Salah – 11 goals

Bradley Barcola – 10 goals

Marcus Thuram – 9 goals

Moise Kean – 8 goals

Chris Wood – 8 goals

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga