Waa Sidee Jadwalka Kala Saraynta Champions League.

Bayern Munich ayaa hoggaanka u haysa jadwalka Champions League kadib 4 kulan oo la ciyaaray.

Kooxda horyaalka Bundesliga waxay muujiyeen adkaysi iyagoo garaacay Paris Saint-Germain inkastoo ay noqdeen 10 ciyaaryahan. Luis Díaz ayaa dhaliyay laba gool ka hor inta aan laga saarin garoonka qeybtii hore.

Guushaas waxay ka dhigan tahay in Bayern ay sii wadaan bilowkoodii cajiibka ahaa ee tartanka iyagoo leh 12 dhibcood oo buuxa.

Waxay barbar dhigan yihiin Arsenal, kuwaas oo ku garaacay Slavia Prague 3-0, balse kaalinta labaad kaga jira farqiga goolasha oo hooseeya.

Inter Milan, oo ku jirta kaalinta saddexaad, ayaa iyaduna badisay afartii kulan ee ay ciyaartay illaa hadda.

Siddeeda kooxood ee ugu sarreeya – kuwaas oo si toos ah ugu gudbaya wareegga xiga – waxaa dhammaystiraya Manchester City, PSG, Newcastle United, Real Madrid iyo Liverpool.

Afar-ta kooxood ee ugu hooseeya waa FC Copenhagen, Kairat Almaty, Benfica iyo Ajax.

Hoos ka eeg jadwalka hadda socda:

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga