Waa Maxay Sababtii Loo Badalay Jadon Sancho Qaybtii Nasashada Kulankii Liverpool? Maresca Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha kooxda Chelsea Enzo Maresca ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu Jadon Sancho u badalay qaybtii nasashada kulankii ay guuldarada 2/1 kala kulantay Liverpool.

Ciyaaryahanka amaahda uga maqan Manchester United ayaa loo gacan galiyay kulankii afaraad ee Premier League ee uu ku bilowday kooxdiisa.

Si kasta ha ahaatee Sancho ayaa ku fashilmay in uu saamayn la taaban karo ku yeesho ciyaarta.

Markii lagu soo laabtay ciyaara qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa la badalay iyada oo lagu badalay Pedro Neto kaas oo kulankiisii 8-aad u ciyaaray chelsea.

Wakhtigaas ma kala cadayn sababta Maresca u badalay Sancho laakiin tababaraha ayaa sharaxay sababta uu u badalay.

Maresca oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan Sancho u badalay arin ciyaareed”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga