Waa Maxay Sababta Uu Declan Rice U Diiday In Uu Ku Dabaal-Dago Xulka Irland?

Xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka England ee Declan Rice ayaa gool ka dhaliyay xulka Ireland kulan ka tirsanaa Nations League.

Xulka England ayaa la ciyaaraya xulka Ireland kulan ka tirsan tartanka Nations League.

Xiddiga khadka dhexe ee Rice ayaa gool u dhaliyay xulkiisa England isaga oo ka dhaliyay xulka Ireland.

Si kasta ha ahaatee xiddiga khadka dhexe ayaan u dabaal-dagin goolka uu u dhaliyay xulkiisa.

Hadaba waa maxay sababta uuna Declan Rice ugu dabaal-dagin goolka?

Sababta uu Rice u diiday in uu ku dabaal-dago xulka Ireland ayaa ah in uu horay u soo matalay xulkaas.

Rice ayaa horay ugu soo ciyaaray xulka Ireland ka hor inta uuna go’aansan in uu matalo xulka England.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga