Chelsea waxa ka maqnaan doontaa Moisés Caicedo marka ay caawa la ciyaarayaan Arsenal kulanka lugta koowaad ee semi-finalka Carabao Cup.
Caicedo ayaa la ganaaxay kulankan ka dhacaya Stamford Bridge, taasoo ah dharbaaxo weyn oo ku dhacday kooxda Blues iyo tababarahooda cusub Liam Rosenior.
Chelsea waxay gaareen afarta ugu dambeysa kaddib markii ay 3–1 kaga badiyeen Cardiff kulan ka dhacay Wales bishii hore, halka Arsenal ay iyaguna kusoo biireen kaddib markii ay rigoorayaal ku reebeen Crystal Palace.
Laakiin Chelsea waxa ka maqnaan doontaa mid ka mid ah ciyaartoydooda ugu muhiimsan lugta koowaad, kaddib markii Caicedo kaarka jaallaha ah qaatay kulankii ay la ciyaareen Cardiff.
Caicedo ayaa kabtan u ahaa Chelsea kulankii ay la ciyaareen Cardiff habeen uu isbeddello badan sameeyay tababarahoodii hore Enzo Maresca.
Daqiiqaddii 45-aad, xiddiga xulka Ecuador ayaa qaatay kaarka jaallaha ah oo uu siiyay garsoore Tony Harrington, kaddib markii uu si kaftan/jees-jees ah u sacab tumay go’aanka garsooraha ee ahaa in Cardiff loo dhigo laad xor ah qalad ay samaysay Chelsea.
Taasi waxay ahayd kaarkiisii labaad ee jaallaha ahaa ee Carabao Cup xilli-ciyaareedkan, kaddib kaar jaalle ah oo uu hore u qaatay markii uu muran la galay garsooraha daqiiqaddii afraad ee waqtiga dheeriga ah kulankii wareegga hore ee ay Chelsea kula ciyaartay Wolves.
Kaarkiisa labaad ee tartanka ayaa ka dhigan in uu qasab ku seego lugta koowaad ee semi-finalka oo la ciyaari doonaan Arsenal caawa.
Be the first to comment