Waa Maxay Sababta Ayna Liverpool U Ciyaarsiin Darwin Nunez Kulamadii Ugu Dambeeyay.

Tababaraha Liverpool ee Arne Slot ayaa kaydka ku iloobay xiddiga Darwin Nunez kulamadii ugu dambeeyay premier League.

Nunez ayaa lumiyay booskiisa kulamadii ugu dambeeyay sabab la xidhiidh shardi ku xidhnaa heshiiskii ugu soo biiray.

Liverpool ayaa bixinaysa lacag hadii uu Nunez ciyaaro kulan kale oo kooxda ah sidaas darted Slot ayaa go’aansaday in uu kaydka ku hayo.

Liverpool ayaa ku qasbanaan doonta in ay bixiso lacag dhan 5 milyan oo euro hadii uu xiddiga reer Uruguay ciyaaro kulan kale oo kooxda ah.

Liverpool ayaa qorshaynaysa in ay iska iibiso xiddiga Darwin Nunez marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga