
Arne Slot ayaa kaadhka cas loo taagay kulankii Everton ee Arbacadii.
Tababaraha Liverpool ayaa kaarka cas loo taagay ka dib markii uu garoonka Goodison Park ugu tagay garsoore Michael Oliver.
Kulanka ayaa ku dhamaaday bar-baro 2/2 ah iyada oo muran badan ka dhashay goolkii bar-baraha ee ay dhalisay kooxda Everton.
Premier League ayaa markii hore shaaciyay in Arne Slot la ganaaxay 2 kulan kadib markii uu hadalo xun ku yidhi Garsooraha laakiin waa la kansalay markii dambe.
Laakiin FA-ga ayaa Jimcihii xaqiijiyay in Slot iyo kaaliyihiisa Sipke Hulshoff lagu soo oogay dacwad.
Waa maxay sababta Arne Slot aan looga mamnuucin Liverpool vs Wolves?
Slot wuxuu heystaa ilaa Arbacada, Febraayo 19 ka jawaab celinta eedeymaha FA-ga iyo ganaax kasta oo suurtagal ah laguma soo rogin waqtigii loogu talagalay ciyaarta Wolves.
Liverpool ayaa wajihi doonta Aston Villa kulan kale oo weyn Arbacada.
Haddii Slot uu aqbalo eedeymaha FA-ga waxa lagu soo rogi doonaa ganaax hal kulan ah waxana uu seegi doonaa kulanka Aston Villa ee Arbacada.
Be the first to comment