Waa Kuma Xiddiga Uu Rio Ferdinand U Sheegay In Uu Isaga Tago Man United?

Rio Ferdinand ayaa u soo jeediyay khadka dhexe ee Manchester United Casemiro inuu isaga tago kooxda ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Bisha January ka dib markii uu boos ka waayay kooxda Ruben Amorim.

Casemiro ayaa si aad ah ugu soo muuqday Man United bilowgii wakhtiga Amorim laakiin hal daqiiqo ma ciyaarin labadii kulan ee ugu dambeeyay kadib qaab ciyaareed liita oo uu soo bandhigay kulankii Newcastle United.

Markii Amorim uu doortay in uu saaro Kobbie Mainoo ka hor waqtigii dheeriga ahaa ee Manchester United ee wareega seddexaad ee FA Cup ee Arsenal Axadii waxa uu soo galiyay da’yarka Toby Collyer.

Casemiro ayaa noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu guulaha badan taariikhda Champions League ee Real Madrid, isagoo in ka badan 300 kulan u saftay kooxda reer Spain, isagoo sidoo kale kor u qaaday seddex horyaal oo La Liga ah.

United ayaa ku qarash gareysay 70 milyan si ay ula soo saxiixato Casemiro 2022, waxaana uu muujiyay calaamado rajo leh xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horreeyay ee Old Trafford, isagoo ciyaaray 51 kulan tartamada oo dhan.

Laakiin Casemiro ayaa si weyn  dhibaatooday xilli ciyaareedkii hore Iyo waliba xilli ciyaareedkan.

Ferdinand ayaana u sheegay xiddiga in uu isaga tago kooxda inta lagu jiro suuqa January.

“Ciyaaryahanku ma ku faraxsan yahay inuu kursiga keydka fadhiyo?

“Uma malaynayo in Casemiro uu ku farxi doono. Waqti kasta oo xirfaddiisa ah waligiis kursiga keydka ma gelin.

“Marka haddii uu hadda kursiga keydka ku jiro, haddii dalab u yimaado, wuu dhageysan doonaa hadii uu dalab u yimaado”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga