
Tababaraha Liverpool ee Arne Slot ayaa loo taagay kaadhka cas kulankii Everton ee bilowgii Bishan.
Arne Slot ayaa haatan dusha laga saaray laba kulan oo ganaax ah waxana uu seegi doonaa kulanka Newcastle ee caawa.
Sidoo kale waxa la ganaaxay caawiyihiisa isaga oo sidoo kale ka maqnaan doona kulanka Newcastle ee caawa.
Hadaba ayaa hogaamin doona Liverpool kulanka caawa ee Newcastle premier League.
Daaficii hore ee Everton Johnny Heitinga, mid kale oo ka mid ah caawiyayaasha Slot, ayaa buuxin doona booska bannaan.
41-sano jirkaan ayaa khibrad maamul u leh Jong Ajax iyo Ajax ka hor inta uusan u noqon kaaliyaha David Moyes ee West Ham. Waxa uu u dhaqaaqay Liverpool xagaagii si uu ugu biiro shaqaalaha Slot.
Be the first to comment