Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ka nixiyay taageerayaasha Liverpool kadib kulankii Man City.
Salah ayaa ku jira bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda Liverpool iyada oo aan wali heshiis cusub loo soo bandhigin.
Isagoo la hadlayay Sky Sports ciyaarta ka dib, Salah ayaa sheegay inuu aad uga warqabo in kulanka uu noqon karo kiisii ugu dambeeyay ee uu Guardiola kaga hor yimaado garoonka Anfield, isagoo yiri: “Ilaa hadda tani waa kulankii ugu dambeeyay ee Man City aan ka hor tago”.
“Jawigu wuxuu ahaa mid cajiib ah sidaa darteed waxaan ku raaxaysan doonaa ilbiriqsi kasta halkan, waxaan rajaynaynaa inaan ku guulaysano horyaalka oo aan arki doono waxa dhici doona”.
Salah ayaa xor u noqon kara in uu wadahadalo la furo kooxaha reer yurub marka la gaadho suuqa January ee sanadka cusub.
Be the first to comment