Virgil Van Dijk Oo Ka Hadlay Wararka Liverpool La Xidhiidhinaya Tababare Arne Slot.

Kabtanka kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk ayaa ka hadlay wararka Liverpool la xidhiidhinaya saxiixa Arne Slot.

Slot ayaa noqday bartilmaameedka 1-aad ee kooxda Liverpool iyada oo Reds suuqa ugu jirta badalka Klopp.

Van Dijk: “Arne Slot waa mid ka mid ah tababarayaasha Holland ugu fiican xilligan”.

“Sida uu u ciyaaro, falsafada uu haysto, wuxuu noqon karaa tababaraha Liverpool.”

“Laakiin kaliya waa arin hadal hayn ah ma jirto wax la dhamaystiray, waan arki doonaa waxa dhaca”.

“Waxa aan diirada saari doonaa inta ka dhiman xilli ciyaareedka wali waxa dhiman kulamo”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga