
Virgil van Dijk ayaa sheegay in uusan kala hadlin Trent Alexander-Arnold xaaladiisa qandaraaska sababtoo ah cadaalad ma noqon doonto.
Kabtanka Liverpool ayaa todobaadkii hore qalinka ku duugay heshiis cusub oo laba sano ah kadib markii Mohamed Salah uu mustaqbalkiisa u hibeeyey kooxda.
Trent Alexander-Arnold, oo 26 jir ah, ayaa weli u muuqda inuu ku biirayo Real Madrid xagaagan, haddii aanay jirin wax isbedel ah oo ku yimid go’aankiisa iyadoo aan kooxdu wax heshiis ah la gaadhin xiddiga heshiiskiisu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Alexander-Arnold ayaa ka soo laabtay dhaawac isagoo ciyaaray markii ugu horeysay tan iyo markii ay soo baxeen wararka sheegaya inuu ku wajahan yahay Real xagaagan.
Laakiin Van Dijk ayaa ku adkaysanaya inuusan Alexander-Arnold wax ka waydiin mustaqbalkiisa.
Waxa uu yiri: “Waxaan u maleynayaa in cadaadis badan uu horey u saarnaa sidaas darteed ma jirto wax faa’iido ah oo aan ku dhejiyo goobta.Diirada buuxda waxay ahayd inuu dib ugu soo laabto taam ahaanshihiisa, muhiimna u ahaado kulamada ka haray xilli ciyaareedka. Wuxuuna maanta muujiyay inuu sidaas yahay hadda oo ay ku xigto.”
“Wax kasta oo ku dhici kara mustaqbalka isaga, taasi waa wax ay tahay inuu ku xaliyo naftiisa iyo qoyska, laakiin waa ciyaaryahan Liverpool ah wakhtigan, wuxuuna muhiim u yahay kooxdeena, waxa uu ahaa mid muhiim ah xilli ciyaareedka oo dhan, maantana mar kale ayuu ka soo laabtay dhaawac, mid dheer, taasina waa waxa aan ku faraxsanahay”
Be the first to comment