Virgil van Dijk Oo Ka Hadlay Fursadaha Kooxdiisa Ee Ku Guulaysiga Horyaalka Kadib Guuldaradii Everton.

Virgil van Dijk ayaa qirtay in loolanka horyaalka Liverpool uu dhamaaday kadib guuldaradii 2/0 ahayd ee ka soo gaadhay kooxda ay xafiiltamaan ee Everton habeenkii Arbacada.

Liverpool ayaa guuldaro kala kulantay Everton kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Liverpool ayaa haatan ku jirta kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka Laakiin waxa ay 3 dhibcood ka dambaysaa Arsenal waxana ay u dhaadhici doontaa kaalinta 3-aad hadii ay Man City badiso kulanka Brighton.

“Waxa aan ka niyad jabsanahay dhinac walba, hadii aan u ciyaarno sida maanta, ma jirto fursad aan u haysano ku guulaysiga horyaalka”.

Waxa xusid mudan in ayna Liverpool xilli ciyaareedkan ku guulaysan doonin horyaalka marka la eego kulamada u hadhay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga