
Kabtanka iyo xiddiga daafaca uga ciyaara Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa ka hadlay go’aankii Trent Alexander-Arnold uu kaga tagayo Reds xagaaga.
Trent Alexander-Arnold oo 26 jir ah ayaa go’aansaday inuu isaga tago Liverpool oo uu beeca xorta ah ugu biiro Real Madrid.
Taageerayaasha Liverpool ayaa ku oriyay Trent Alexander-Arnold kadib markii uu badal ku soo galay kulankii Arsenal ee Premier League.
“Bixitaanka Tren?Aniga ahaan, ma jirto meel kale oo aan dooran lahaa xilligan, “Van Dijk ayaa sidaas yidhi.
Wuxuu intaas ku daray, “Waa hubaal inay tahay xagaaga mashquul badan, waxaana ku kalsoonahay kooxda iyo kuwa mas’uulka ka ah inay gaaraan go’aannada saxda ah, waxaan dareemayaa inaan awood u yeelan karno inaan gaarno darajo cusub”.
Be the first to comment