Virgil van Dijk Oo Ka Farxiyay Liverpool, Sabab.

Daafaca dhexe ee kooxda Liverpool Virgil van Dijk ayaa kaadhka cas loo taagay kulankii xulka Netherland kulan ka tirsanaa Nations League.

Xulka Netherlands ayaa bar-baro la galay xulka Hungary kulan ka tirsanaa tartanka Nations League.

Virgil van Dijk ayaa haatan seegi doona kulanka uu xulkiisu la ciyaari doono xulka Germany kulan dhici doona maalinta Isniinta.

Ganaaxa Van Dijik ayaa war fiican u ah Liverpool marka la eego in uu helo doono todobaad Nasiino ah kadib dib u bilaabashada Premier League.

Van Dijk ayaa diyaar u noqon doona kulanka kooxdiisu la ciyaarayso Chelsea kadib fasaxa xulalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga