Virgil van Dijk Oo Fariin U Diray Liverpool Kadib Guuldaradii 6-aad Ee Premier League

Virgil van Dijk ayaa si adag u dhaliilay qaab iyaareedka Liverpool kadib guuldaradii Nottingham Forest isaga oo yidhi”Waxa nalaga dhaliyay goolal badan oo fudud”.

Kabtanka Reds-ka ma uusan awoodin inuusan ka hortagin in kooxdiisu ku dhacdo guuldarro saddex-gool ah.

Liverpool waxay ku jiraan kaalinta 11-aad ee Premier League ka dib markii ay Sabtidii la kulmeen guuldarradoodii lixaad ee horyaalka.

Reds ayaan wax halis ah galin goolka Nottingham Forest iyada oo kooxda Sean Dyche ay si fiican u difaacatay.

Van Dijk ayaa ugu baaqay saaxiibadiisa u sheegay in uu isku eego muraayada si ay dhanka kale ugu rogaan qaab ciyaareedkooda xun.

“Waxa nalaga dhaliyay goolal badan oo fudud”ayuu Van Dijk yidhi.

“Waxa ay iska cad in ay naga dhaliyeen goolal karoos ah oo cad”.

“Waxa aan ku jirnaa xaalad adag laakiin waa in aan isku duubnaanaa oo aanu ka baxno xaaladaas”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga