Vinicius Junior Oo Taariikh U Dhigay Real Madrid.

Vinicius Junior ayaa saftay kulankiisii ​​300-aad ee Real Madrid ka dib markii lagu soo daray safka hore ee sabtida wajahaya Real Betis.

Los Blancos ayaa sii wada difaacashada koobkeeda La Liga ee ay ku wajaheyso kooxda Andalusian ka dib markii ay guul ka dhadhamisay Real Sociedad lugtii hore ee semi-finalka Copa Del Rey Arbacadii.

Iyadoo Carlo Ancelotti uu shaki la’aan hal il ku hayo kulanka Salaasada ee ay la ciyaari doonaan Atletico Madrid Champions League, tababaraha rugcadaaga ah ayaa magacaabay shax adag oo uu wajahayo Betis, iyadoo Kylian Mbappe, Rodrygo iyo Antonio Rudiger ay dhamaantood ku lug leeyihiin.

Vinicius ayaa si lama filaan ah loogu magacaabay kooxda si uu u wajaho tababarihii hore ee Madrid Manuel Pellegrini iyo kooxdiisa garoonka Estadio Benito Villamarin, iyadoo 24-sano jirkaan uu saftay kulankiisii ​​300-aad ee kooxda waa weyn ee Los Blancos.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa 299 kulan ee uu ciyaaray waxa uu dhaliyay 102 gool halka uu caawiye ka noqday 62 caawin, 28 ka mid ah waxa ay yimaadeen xilli ciyaareedkan – isagoo sii wata inuu magaciisa ku qoro taariikhda Real.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga