
Vinicius Junior ayaa sheegay in baadhkii ay soo bandhgeen taageerayasha Man City ay ku dhiiri galisay in uu soo bandhigo qaab ciyaareed fiican kulankii Man City ee champions league.
Real Madrid ayaa garaacay Man City kulan ka dhacay Etihad kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee is reeb-reebka champions league.
Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa loo magacaabay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ciyaarta iyadoo Real Madrid lug la gashay wareega xiga ee tartanka.
Taageerayasha Man City ayaa soo qaatay Boodh ay ku qorantahay”Jooji Oohinta aan ka oohayso beerka” iyaga oo raaciyay sawirma Rodri oo shuminaya abaalmarinta Balloon D’or-ka.
“Waxaan arkay calanka taageerayaasha Man City. Waxay igu dhiirigelisay xitaa in ka badan,” ayuu yidhi.
“Mar kasta oo taageerayaasha xafiiltamaan ay wax sameeyaan, waxay i siisaa awood badan si aan u ciyaaro kulan weyn.”
Be the first to comment