Vinicius Jr Oo Benzema & Ronaldo Kula Biiray Rikoodh Cajiib Ah

Vinicius Jr ayaa noqday ciyaaryahankii afaraad ee Real Madrid ah ee 50 gool ku lug lahaa Champions League.

Real Madrid ayaa guuldaro kala kulmay kooxda Arsenal kulan ka dhacay Bernabeu.

Vinicius Jr ayaa dhaliyay goolka furitaanka ciyaarta qaybtii dambe ee ciyaarta kadib khalad uu ka faa’iidaystay.

Vini Jr ayaa haatan ku faanaya 29 gool iyo 21 caawin tartamada yurub waana kulankiisii 68-aad ee uu u safto Real.

Goolkiisii ugu dambeeyay, 24-sano jirkaan ayaa ku biiray Cristiano Ronaldo, Karim Benzema iyo Raul oo ah seddexda xiddig ee kale ee Real ah ee gaaray Rikoodhkaas.

 

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga