suuqa kala iibsiga ayaa xidhan laakiin kooxaha kala duwan ayaa wali si weyn loola xidhiidhinayaa xiddigaha.
Xiddigo badan ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha kuwaas oo doonaya in ay kooxo cusub ku biiraan suuqa January.
Ruben Amorim ayaa u aqoonsaday daafaca dhexe ee Barcelona Andreas Christensen inuu yahay bartilmaameedkiisii ugu horeeyay ee Manchester United isaga oo doonaya in ay kooxdu la soo saxiixato suuqa January (El Nacional).
Arsenal ayaa diyaar u ah in ay jabiso rikoorkeeda suuqa kala iibsiga iyaga oo dalab 120 milyan euro ah ka gudbinaya saxiixa Newcastle United Alexander Isak (El Nacional).
Gunners ayaa xiisaha Newcastle ee saxiixa Gabriel Jesus u adeegsan karta in ay ku hesho Alexander Isak (Fichajes).
Erik ten Hag ma uusan dooneynin Man Utd inay lasoo saxiixato weeraryahan Joshua Zirkzee xagaagan, waxaana uu ka carooday markii uu xiddiga reer Holland la yimid culays xad dhaaf ah (The Sun).
Chelsea ayaa bartilmaameed ka dhigtay xiddiga Dortmund Karim Adeyemi kadib codsi uga yimid Tababare Enzo Maresca (Tutto juve).
Kooxda Sucuudiga ka ciyaarta ee Al-Hilal ayaa dalab 300 milyan ah miiska u saartay Real Madrid si ay u hesho saxiixa xiddiga Vinicius Junior (Fichajes).
Kooxaha Inter iyo Barcelona ayaa ku biiray kooxda Real Madrid iyaga oo muujiyay xiisaha ay u qabaan xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea ee Enzo Fernandez (The Sun).
Kooxaha Liverpool, Man United, Man City iyo Juventus ayaa doonaysa saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Sporting ee Geovany Quenda (TEAMtalk).
Be the first to comment