Viktor Gyokeres Oo Sharaxay Sababta Ka Dambaysa Dabaal-Dagii Uu Sameeyay Kadib Goolkii 4-aad Ee Leeds

Viktor Gyokeres ayaa xaqiijiyay in dabaal deggiisii ​​timaha uu ee kulankii ay Arsenal 5-0 kaga badisay Leeds uu jawaab u ahaa kuwii ku jeesjeesay qaab ciyaareedkiisii ​​kulankii Manchester United.

Xiddiga reer Sweden ayaa ku dhibtooday inuu saameyn ku yeesho kulankiisii ​​​​ugu horeysay ee Premier League isbuucii hore, wuxuu ku guuldareystay inuu hal darbo ku laado goolka ka hor inta aan la badalin qaybtii dambe.

Laakiin Gyokeres ayaa is muujiyay kulankii Leeds isaga oo dhaliyay 2 gool kulankiisii ugu horeeyay ee Emirates.

kadib markii uu dhaliyay goolkiisii 2-aad ee ciyaarta waxa uu sameeyay dabaal-dag uu timihiisa taabtay.

Dad badan ayaa is sheegay in uu xiddigu timihiisa taabtay in ka badan inta uu kubada taabtay intii uu socday kulankii Man United laakiin xiddiga ayaa u jawaabay dadkii dhaleecaynayay.

“Haa, waa laga yaabaa. Waxay noqon kartaa wax taas lagu sameeyo, ”Gyokeres ayaa u sheegay Sky Sports

‘Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay natiijada, haa, dabcan, aad ayey u fiicneyd in aan dhaliyo labo gool sidoo kale”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga