
Weeraryahanka kooxda Sporting CP Viktor Gyokeres ayaa diiday inuu ka xidho ku biirista Man United sanadka 2025.
26 jirkaan ayaa la filayay inuu ka tago Sporting sanadka soo socda xitaa ka hor inta uusan tababare Ruben Amorim aadin United, iyadoo dhamaan kooxaha Premier League la fahamsan yahay inay ka fiirsanayaan dalabyada weeraryahanka qaab ciyaareedka fiican ku jira.
Joogitaanka Amorim ee United ayaa keentay in Red Devils si weyn loola xiriiriyo Gyokeres, kaasoo aan waligiis ka fogaan inuu qirto inuu jecel yahay tababaraha, inkastoo ay wararku sheegayaan in xiddiga reer Sweden uusan si gaar ah u xiiseyneynin u dhaqaaqista Old Trafford.
Gyokeres, si kastaba ha ahaatee, wuxuu diiday inuu meesha ka saaro ku biirida United, inkastoo uu ku adkeystay inuusan xiiseyneynin inuu u wareegi doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Mar wax laga weydiiyay inuu Amorim u raacayo United, wuxuu u sheegay Fotbollskanalen: “Waxay u badan tahay inuu haysto weeraryahano, markaa waan arki doonaa”.
“Ma ahan wax aan ku fekerayo, dabcan, waxaan doonayaa inaan ku ciyaaro xilli ciyaareedka Sporting, waxaana ku raaxaysanayaa naftayda halkaas, sidaas darteed ma jirto wax walbahaar ah oo aan u dhaqaaqo mustaqbalka, waan arki doonaa marka ay timaado waqtiga.”
Be the first to comment