Viktor Gyökeres ayaa muujiyay farxaddiisa kaddib markii Arsenal ay si guul leh u soo gabagabeeyeen marxaladda group-yada ee UEFA Champions League.
Isagoo gool ka dhaliyay guushii 3–2 ee ay ka gaareen Kairat garoonka Emirates, Gyökeres wuxuu ciyaarta kaddib yiri:
“Waxaan ku dhammaanay kaalinta koowaad, sidii aan rabnay, sidaas darteed waxay noo ahayd group phase wanaagsan, haddaanna waxaan u jeedsanaynaa wareegyada knockout-ka.
“Waxaan la tartami karnaa koox kasta oo Yurub ah!” ayuu yiri Gyökeres.
Kalsoonida weeraryahanku waxay ka tarjumaysaa bandhigyada xooggan ee ay kooxdu sameysay intii lagu jiray group-yada, taageerayaashuna waxay rajaynayaan in aragtidiisa togan ay la socoto Arsenal marka ay galaan kulamada knockout-ka ee cadaadiska badan
Be the first to comment