Viktor Gyokeres Mise Benjamin Sesko? Arsenal Oo Lagula Taliyay Weeraryahanka Ay U Dhaqaaqayso.

Arsenal waa inay mudnaanta siiso heshiiska ay kula soo wareegayaan Viktor Gyokeres ee u ciyaara kooxda Sporting Lisbon marka loo eego xiddiga RB Leipzig Benjamin Sesko suuqa kala iibsiga xagaaga.

Suuqa kala iibsiga xagaagii ugu horreeyay ayaa hadda furmay, laakiin Gunners ayaan wali wax saxiix ah samayn iyada oo Maamulka Arsenal kala dooranayo xiddiga ay u dhaqaaqayaan.

Arsenal ayaa wadahadalo la yeelatay Sesko inkasta oo xiddigu ka qaalisanyahay xiddiga Gyokeres kaas oo lagu qiimeeyo 75 milyan.

Parlour ayaa u sheegay Arsenal in ay u dhaqaaqdo xiddiga Gyokeres marka loo eego xiddiga Sesko.

“Iyadoo uu jiro agaasimaha cusub ee isboortiga, ma filayo inay dheeraan doonto ka hor inta aysan Arsenal la soo wareegin weeraryahan ka dibna ay eegaan inay buuxiyaan boosaska ka haray kooxda”.

“Ciyaartoyda qaar way bixi doonaan, laakiin weeraryahanku hadda waa mudnaan, waana ku faraxsanahay inaan arko cidda ay Arsenal dooranayso ka dibna ay si fiican ula qabsadaan oo ay bilaabaan inay gool dhaliyaan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga