Victor Osimhen Oo Iska Diiday Arsenal Sanado Ka Hor.

Victor Osimhen ayaa xalin kara dhibaatada gooldhalinta Arsenal sideed sano ka dib markii uu diiday inuu u dhaqaaqo Emirates Stadium.

Xiddiga reer Nigeria oo 26 jir ah, waa mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican wakhtigan waxaana uu raadin doonaa koox cusub marka uu ku laabto Napoli xagaaga marka uu dhamaado amaahda hal xilli ciyaareed ee uu ku joogo Galatasaray.

Waxa uu dhaliyay 17 gool 22 kulan oo uu saftay tan iyo markii uu u soo dhaqaaqay Turkey waxana uu ku socdaa 30 gool hadii uu sidan u sii ciyaaro.

Kooxo dhowr ah oo Premier League ah ayaa ka fiirsanaya inay u dhaqaaqaan isaga oo ay ku jirto Chelsea oo isku dayday inay ku guuleysato saxiixiisa xagaagii hore, Arsenal iyo Newcastle.

Gunners oo doonaysa in ay la soo wareegto weeraryahan cusub iyada oo si weyn ugu dhibaatoonayso goolka hortiisa.

Arsenal ayaa doonaysa Saxiixa Xiddig Alexander Isak laakiin kooxda Newcastle ayaa dalban doonta lacag dhan $150 milyan oo euro..L

Dhanka kale, Osimhen, ayaa loo maleynayaa in lagu heli karo ku dhawaad 60 milyan oo euro.

Haddii uu ku biiro Arsenal, waxa uu dhaqaaqi doonaa ku dhawaad toban sano ka dib markii uu diiday iyaga oo door biday in uu u dhaqaaqo Wolfsburg isaga oo dhalinyaro ah.

“Waa run in koox weyn oo sida Arsenal ah ay i doonaysay, waxaanan dareemayaa sharaf in la igu martiqaado,” Osimhen ayaa u sheegay BBC 2017.

“Laakiin shakhsi ahaan waxaan dareemayaa in Wolfsburg ay ii tahay sallaan aan ku gaaro yoolalkayga xirfadeed”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga