Varane, Isak, Yamal, Kimmich & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.

Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.

hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.

Daaficii hore ee Manchester United Raphael Varane ayaa ka degay Como si uu wadahadalo lama filaan ah ula yeesho Cesc Fabregas iyo maamulka kooxda (Fabrizio Romano).

Chelsea ayaa isku diyaarinaysa inay Nicolas Jackson u soo bandhigto Newcastle United si ay hoos ugu dhigto qiimaha Alexander Isak (The Sun).

Arsenal ayaa weli xiiseyneysa Isak, waxaana laga yaabaa inay bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa kooxda Newcastle sidoo kale waxa la filayaa in ay la soo saxiixdaan xiddig khadka dhexe ah (Football Transfers).

Paris Saint-Germain ayaa isku diyaarinaysa in ay bixiso lacag rikoorka adduunka ah oo dhan 250 milyan oo euro si ay Lamine Yamal ugala soo wareegto Barcelona (Mundo Deportivo).

Manchester City ayaa isha ku heysa inay xagaaga la soo wareegto ciyaaryahanka Bayern Munich Joshua Kimmich iyo RB Leipzig Dani Olmo (The Sun).

Manchester United ayaa 48-kii saac ee lasoo dhaafay sare u qaaday wadahadalada ay kula jirto xidiga Bologna Joshua Zirzkee iyo Manuel Ugarte ee Paris Saint-Germain (Mirror).

Kooxda Real Madrid ayaa isha ku haysa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Nice ee Khephren Thuram kaas oo ay u aragto badalka tooska ah ee Toni Kroos (Sport).

AC Milan ayaa kala xaajoonaysa Chelsea saxiixa 20 jirka khadka dhexe ee Carney Chukwuemeka (Gianluca Di Marzio).

Liverpool ayaa isha ku heysa inay u dhaqaaqdo goolhayaha Georgia ee Euro 2024 Giorgi Mamardashvili, iyadoo Alisson uu weli diirada u saaran yahay Kooxaha sucuudiga (Radio Marca).

Manchester United ayaa wadahadalo la furtay 24 jirka daafaca dhexe ee Netherlands Matthijs de Ligt, kaasoo diyaar u ah inuu ka tago Bayern Munich xagaagan (Sky Sport Germany).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga