Van Dijk, Valverde, Haaland, Zubimendi & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga.

suuqa kala iibsiga ayaa xidhan laakiin kooxaha kala duwan ayaa wali si weyn loola xidhiidhinayaa xiddigaha.

Xiddigo badan ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha kuwaas oo doonaya in ay kooxo cusub ku  biiraan suuqa January.

Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay si lama filaan ah ula soo wareegto weeraryahanka Chelsea Christopher Nkunku, kaasoo aan ku faraxsanayn waqtigiisa Chelsea (L’Equipe).

Liverpool ayaa qorsheyneysa inay lacag badan kula soo saxiixato daafac cusub hadii Virgil van Dijk uuna heshiis cusub u saxiixin kooxda (Football Insider).

Manchester City ayaa u aqoonsatay ciyaaryahanka Real Madrid Federico Valverde inuu yahay bedelka suurtagalka ah ee Rodri, inkastoo kooxda reer Spain aysan u ogolaan doonin xiddiga reer Uruguay in uu ka tago kooxda (Fichajes).

Weeraryahanka Cityzens Erling Haaland, kaas oo qandaraaskiisu dhacaya 2027, ayaa Paris Saint-Germain ka dhigay qorshaha B, xilli ay xiiseynayaan Madrid iyo Barcelona (Football365).

Barca ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro weeraryahanka Sporting CP Viktor Gyokeres, kaasoo la filayo inuu ka tago Portugal dhamaadka xilli ciyaareedkan. Arsenal iyo Bayern Munich ayaa sidoo kale lala xiriirinayay xiddiga reer Sweden (Ekrem Konur).

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Wataru Endo ayaa laga yaabaa in uu ka tago kooxda Iyada oo lala xidhiidhinayo kooxaha AC Milan, Fulham, Wolves iyo Ipswich Town (Caught Offside).

Manchester City ayaa diyaar u ah inay bixiso 60m euros 50-ka milyan ee lagu burburin karo qandaraaska ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Sociedad Martin Zubimendi, oo 25 jir ah, iyadoo ay sii wadato raadinta bedelka Rodri ee ay isku wadanka yihiin bisha January (Mirror).

Manchester United ayaa wadahadalo la furtay Sporting si ay u soo xero galiso garabka reer Portugal Geovany Quenda, oo 17 jir ah (Mundo Deportivo).

Red Devils ayaa sidoo kale Barcelona kula biirtay tartanka loogu jiro daafaca ayer Leverkusen Jonathan Tah, oo 28 jir ah (Fichajes).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga