Van Dijk oo si dadban u muujiyay inuu ka tagi doono Liverpool, kana hadlay Ronaldinho

0

Kabtanka Liverpool, Virgil van Dijk, ayaa si dadban u muujiyay in maalin uu ka tagi doono kooxda ay noqon doonto mid dareen badan, isagoo sheegay in waqtigaas uu ugu dambayn imaan doono.

Isagoo la hadlayay Sky Sports, daafaca reer Netherlands ayaa safarkiisa Liverpool ku tilmaamay mid cajiib ah, wuxuuna sheegay inuu doonayo inuu raad wanaagsan uga tago kooxda, isla markaana uu dhiirrigeliyo jiilka soo socda ee kubadda cagta.

Advertisment

Van Dijk ayaa sidoo kale sheegay in ciyaartoyda Liverpool looga baahan yahay dadaal joogto ah, inaysan is dhiibin, isla markaana ay daqiiqadda koowaad ilaa tan ugu dambeysa u dagaallamaan astaanta kooxda.

Dhanka kale, wuxuu shaaca ka qaaday in halyeygii reer Brazil ee Ronaldinho uu ahaa ciyaaryahankii uu ku dayan jiray yaraantiisii, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay haddii daafacyada da’da yar ay maanta isaga u arkaan qof ay ku daydaan.

Qandaraaska Van Dijk ee Liverpool ayaa dhacaya xagaaga 2027, waxaana warbixintu xustay in lala xiriiriyay AC Milan, horyaalka Turkiga iyo Saudi Pro League. Si kastaba, Van Dijk ma uusan xaqiijin inuu haatan ka tegayo Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here