Van Dijk Marmarsiiyo La Yaab Leh U Sameeyay Guuldaradii Bournemouth.

Virgil van Dijk ayaa bixiyay marmarsiiyo aan caadi ahayn oo ku saabsan kaalintiisii goolkii furitaanka ee Bournemouth, kaddib markii Liverpool ay la kulantay guuldarro lama filaan ah oo 3–2 ah, taas oo soo afjartay 13 kulan oo aan laga adkaan.

Liverpool ayaa si wanaagsan uga soo kabsatay markii ay 2–0 hoos u dhacday, iyagoo barbaro ku keenay ciyaarta kaddib madax uu Van Dijk ka dhaliyay laad gees ah iyo laad xor ah oo uu dhaliyay Dominik Szoboszlai, labadaas oo kala yimid labada qeybood ee ciyaarta.

Kooxda uu hoggaamiyo Arne Slot ayaa sii waday cadaadinta iyagoo raadinaya goolka guusha, balse taa beddelkeeda waxay la kulmeen guuldarrodoodii ugu horreysay tan iyo bishii Novermber ee sannadkii hore, markii Amine Adli uu dhaliyay goolka guusha daqiiqaddii ugu dambeysay ee ciyaarta.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Liverpool aysan wax guul ah gaarin shan kulan oo Premier League ah, kaddib markii ay afar kulan oo xiriir ah barbaro galeen ka hor kulankii Axadda ay la ciyaareen Bournemouth.

Inkasta oo uu gool dhaliyay hadana Van Dijk ayaa khalad sameeyay goolkii furitaanka ee ay dhalisay kooxda Bourinemouth.

Isagoo hadlay kaddib ciyaarta, daafaca dhexe ee reer Netherlands ayaa ku adkeystay in dabaysha xooggan ee xeebta koonfureed ay sabab u ahayd qaladkiisii muhiimka ahaa, kaas oo u horseeday kooxda Andoni Iraola inay hoggaan qabato.

“Goolkii koowaad wuxuu ahaa mid aad u adag in la qiimeeyo marka la eego duruufaha jiray, dabayshuna aad bay u khiyaano badnayd,” ayuu Van Dijk u sheegay Sky Sports.

“Waxaan u maleynayaa inaad aragtay markii aan dhinacaas kubbado dhaadheer u tuurnay inay aad u adkayd in la saadaaliyo. Sidaas darteed in goolkaas la naga dhaliyo ma ahayn arrin weyn, balse haddana ma fiicna”

“In laba gool lagu dhaliyo waqti gaaban gabi ahaanba ma fiicna. Goolkii aan dhaliyay ka hor nasashada qeybta hore wuxuu ahaa mid aad muhiim ugu ahaa soo celinta niyadda iyo dardarta qeybta labaad, waxaana u maleynayaa inaan taas muujinnay.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga