
Waxa lagu jiraa dhamaadka xilli ciyaareedka iyada oo kooxaha u dagaalamayaan sidii ay meel fiican ugu dhamaysan lahaayeen.
Sidoo kale Kooxaha ayaa bilaabaya sidii ay u ilaysan lahaayeen xiddigo ay ku xoojiyaan kooxdooda xilli ciyaareedka ambe.
Manchester United ayaa dalban doonta kaliya € 50m si ay u iibiso xiddiga khadka dhexe ee Kobbie Mainoo xagaagan, Inter ayaa aad u dooneysa balse waxaa la filayaa in ay tartan kala kulmaan kooxaha kale ee Premier League (Calciomercato).
Atletico Madrid ayaa soo bandhigtay xiisaha ay u qabto saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Man United ee Antony kaas oo qaab ciyaareedkiisa fiicnaa ee amaahda ah ee Real Betis taas oo keentay in Red Devils ay kalsooni ku qabto in ay ku iibiso 40 milyan oo euro (The I Paper).
Arsenal ayaa hogaanka u haysa Real Madrid tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Athletic Club ee Nico Williams (Football Insider).
Kooxda Saudi Arabia ee Al Nassr ayaa diyaar u ah inay kiciso 85 milyan kula soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee West Ham United Mohammed Kudus, kaasoo ku jira liiska ugu sareeya (GIVEMESPORT).
Kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ee Al-Hilal ayaa doonaysa in ay dhamaystirto saxiixa Mohamed Salah ka hor inta aanay ka qayb galin tartanka koobka kooxaha adduunka (Sport)
Ka dib markii ay Blues u wayday saxiixa Geovany Quenda, Man Utd ayaa liiska bartilmaameedyada xagaaga ku dartay 19 jirka garabka uga ciyaara Braga Roger. Waxaa lagu qiimeeyaa €20m (O Jogo).
Man Utd ayaa codsatay in lala socodsiiyo wararka ku saabsan xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lyon ee Rayan Cherki kaas oo sidoo kale bartilmaameed u ah kooxaha Arsenal, Aston Villa, Newcastle iyo Tottenham Hotspur (TBR Football).
Man United ayaa doonaysa saxiixa Goolhayaha Ac Milan Mike Maingnan kaas oo ay u doonayso badalka Andre Onan (Fichajes).
Liverpool ayaa walaac ka qabta da’da Virgil van Dijk oo wadahadalo heshiis kordhin ah kula jira. Daafaca reer Holland ayaa 34 jir noqonaya bisha July (Football Insider).
Xilli ay isku diyaarinayaan in ay macsalaameeyaan Darwin Nunez, Liverpool ayaa sii kordheysa xiisaha ay u qabto weeraryahanka Wolves Matheus Cunha (Football Insider).
Juventus ayaa doonaysa in ay ku iibiso weeraryahankeeda Dusan Vlahovic aduun dhan 33.5 milyan oo xagaaga Arsenal ayaa qaboojisay xiisaheeda laakiin Aston Villa ayaa si dhab ah uga fikiraysa inay u dhaqaaqdo (TEAMtalk).
Vlahovic ayaa loo soo bandhigay Barcelona isaga iyo weeraryahanka Napoli Victor Osimhen (SPORT – Spain).
Be the first to comment