UGU DAMBAYN: Lionel Messi Oo Daboolka Ka Qaaday Sababtii Keentay Dagaalkii Koobka Adduunka Ku Dhaxmaray Robert Lewandowski

Kabtanka xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa ugu dambayntii ka hadlay sababtii keentay dagaal dhaxmaray weeraryahanka Barcelona ee Robert Lewandowski oo ay xulalkoodu ku kulmeen Koobkii Adduunka 2022 oo ay siku Group ahaayeen.

Lionel Messi ayaa galka seefta ka saaray oo xulka qarankiisa Argentina ku hoggaamiyey guul ciyaar xasaasi ahayd oo sababtay in ay kaalinta koowaad kaga soo baxaan Group C ee Koobkii Adduunka Qatar, halka Poland ay ku dhamaysatay kaalinta labaad.

Ciyaartaas oo Argentina ay 2-0 ku garaacday Poland, waxay ka mid ahayd kulamadii uu bandhigga ugu fiican ka sameeyey Lionel Messi, isaga oo dhulka jiid-jiiday difaaca iyo khadka dhexe ee Poland.

Sawirradii ugu caansanaa Koobkii Adduunka ayaa waxa ka mid noqday, Lionel Messi oo iska diiday salaan uu usoo taagay Lewandowski badhtamaha ciyaarta, maadaama ay hore iskugu muruxsadeen.

Lionel Messi oo sannadkii 2021 fagaarihii lagu guddoonsiiyey Ballon d’Or ka sheegay, in Robert Lewandowski uu u qalmayay in la siiyo abaal-marinta Ballon d’Or sannadkii 2020 ee loo kansalay xanuunkii COVID-19, ayaa waxa uu ka cadhaysnaa hadal kasoo yeedhay Lewandowski oo ahaa in Messi uu ka xaasiday codkiisa sannadkaas 2020 markii ay FIFA siisay Lewandowski abaal-marinta xiddiga sannadka ee FIFA.

Lionel Messi oo waraysi siiyey warbaahinta Maraykanka ee ESPN, ayaa ugu dambayntii ka hadlay arrintan, waxaana uu sheegay in sababata uu salaanta uga qaadi waayey Lewandowski ay ahayd hadalkaas oo aanu ka filayn, waxaanu yidhi: “Anigu warkayga waxa aan ku caddeeyey xafladdii 2021 Ballon d’Or, waxaanan sheegay in Lewandowski uu u qalmayay in sannadkii 2020 la siiyo abaal-marintan.

“Laakiin isagu si’ kale ayuu iiga hadlay, waanay i dhibtay arrintaasi. Run ahaantii waan ka cadhooday, waana sababta aan iskugu dayayey in aan kubadda u gooyo isaga Koobkii Adduunka, salaantana sidaas ayaanan uga qaadin, laakiin intaa wixii ka dambeeyey ayaanu wada-hadlnay, waananu xallinay.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga