
UEFA ayaa ka fiirsaneysa seddex isbedel oo waaweyn oo Champions League ah oo bilaabanaya xilli ciyaareedka soo socda, oo uu ku jiro mid cabasho ka timid kooxda reer England ee Arsenal.
Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa xiliciyaareed kaan wax ka badal ku sameeyay qaab ciyaareedka Champions Leaque-ga iyada oo 36 kooxood ay ka qayb qaateen tartanka.
Sida laga soo xigtay wargeyska Jarmalka ee Bild, UEFA ayaa ka fiirsaneysa seddex isbedel oo cusub xilli ciyaareedka soo socda, waxaana la qaban doonaa kulan looga hadlayo soo jeedinta.
Isbeddelka koowaad wuxuu la xiriiraa welwelka Arsenal ee ku aaddan inay inta badan ku ciyaaraan lugta labaad ee wareegga bug-baxa meel ka baxsan garoonkeeda.
UEFA ayaa ka fiirsanaysa in ay isbadal ku samayso kooxaha kaalimaha sare kaga jira horyaalka oo ay ku ciyaarayaan gurigooda lugta labaad ee wareega 16ka.
UEFA ayaa sidoo kale ka fiirsanaysa in ay meesha ka saarto wakhtiga dheeriga ah oo ay si toos ah ugu dhaqaaqdo gool ku laadka kulamada ku dhamaada bar-baro, si loo hubiyo in ciyaartoygu ka badbaado dhaawacyo badan.
Isbeddelkii ugu dambeeyay ee la soo jeediyay wuxuu la xiriiraa ciyaaraha u dhexeeya kooxaha isku horyaalka maxalliga ah, tusaale ahaan, Real Madrid waxay la kulmeysaa Barcelona heerka horyaalka.
Be the first to comment