UEFA oo ku dhawaaqday shaxda toddobaadka Champions League, Barcola oo ku guuleystay

0

Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa soo saaray shaxda toddobaadka ee wareegga labaad ee Champions League, iyadoo Bradley Barcola oo u ciyaara Paris Saint-Germain loo doortay ciyaaryahankii ugu fiicnaa kulamadii wareeggaas.

Barcola ayaa kaalinta koowaad ka galay qiimeynta ciyaartoyda, kaddib bandhiggiisii wacnaa ee tartanka, waxaana ku xigay Nicolò Tresoldi oo kaalinta labaad galay, Harry Kane oo galay kaalinta saddexaad iyo Lamine Yamal oo kaalinta afraad ku dhammeystay.

Advertisment

Afarta ciyaaryahan ee ugu sarreeya

  1. Bradley Barcola – Paris Saint-Germain
  2. Nicolò Tresoldi – Club Brugge
  3. Harry Kane – Bayern Munich
  4. Lamine Yamal – Barcelona

Shaxda toddobaadka ee UEFA

Shaxda ay UEFA soo bandhigtay waxaa ku jira ciyaartoy ka kala socda kooxo waaweyn oo Yurub ah, waxaana ka dhex muuqda Harry Kane, Lamine Yamal, Vitinha iyo Barcola.

Ciyaartoyda kale ee shaxda ku jira waxaa ka mid ah Tresoldi, Manzambi, Maxlaáraujo, Falchener, Chabot, Sigvol iyo goolhaye Pokatilov.

Doorashada Barcola ee xiddiga ugu fiican waxay sii xoojinaysaa sumcaddiisa, iyadoo ciyaaryahanka reer France uu ka mid noqday magacyada sida weyn looga hadal hayo Champions League.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here