Troy Deeney, kabtankii hore ee Watford, ayaa sheegay in laba kooxood ay ka hor istaagi karaan Arsenal inay ku guuleysato UEFA Champions League xilli-ciyaareedkan.
Arsenal ayaa gaartay quarter-finalka Talaadadii kadib markii ay 3–1 wadar ahaan uga adkaatay Bayer Leverkusen.
Kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ayaa hadda la ciyaari doonta Sporting CP si ay ugu tartanto booska semi-finalka.
Inkasta oo Deeney uu qiray in Arsenal ay “ka jawaabayso su’aal kasta” gudaha England iyo Yurub, haddana wuxuu aaminsan yahay in Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain ay yihiin kooxo ka awood badan.
Deeney wuxuu yiri isagoo ka hadlayay CBS Sports:“Waxaan u maleynayaa inay wax badan qaban karaan oo ay noqon karaan kuwo cajiib ah, laakiin ma u maleynayaa inay garaaci karaan PSG? Maya”
“Ma u maleynayaa inay laba kulan (home & away) kaga adkaan karaan Bayern Munich? Maya”
“Waan ogahay inay ku garaaceen group stage, laakiin laba kulan oo isku xigta?”
Be the first to comment