Trent Alexander-Arnold Oo Taageerayaasha Liverpool Xasuusiyay Steven Gerrard

Xiddiga kooxda Liverpool ee Trent Alexander-Arnold Ayaa gool cajiib ah u dhaliyay kooxdiisa kulankii ay ka badiyeen fulham kulan ka tirsanaa premier League.

Alexander-Arnold ayaa dhaliyay laad xor ah qaybtii hore ee ciyaarta isaga oo sii wada dhalinta goolasha cajiibka ah ee uu u dhalinayo kooxdiisa.

Xiddiga Trent Alexander-Arnold ayaa dhaliyay goolkii 6-aad ee laad xor ah horyaalka premier League kulamada uu u ciyaaray kooxdiisa.

Kaliya xiddigaha Jamie Redknapp (8) & Steven Gerrard (7) ayaa dhaliyay goolal ka badan Trent Alexander-Arnold laad xor ah horyaalka premier League.

Kooxda Liverpool ayaa taariikh u leh in ay soo saarto xiddigo cajiib ku ah laadka cajiibka ah taariikhdooda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga