Trent Alexander-Arnold Oo Real Madrid Ku Biiri Kara Wakhti Ka Horeeya Wakhtigii Hore, Sabab.

Liverpool ayaa laga yaabaa inay u ogolaato Trent Alexander-Arnold inuu u dhaqaaqo Real Madrid wakhti hore ka dib markii ay ogolaatay inuu horay loo soo dhigo suuqa Kala iibsiga kaas oo bilaaban doona 1 Bisha June.

Kooxaha Premier League ayaa u codeeyay in suuqa xagaaga la furo a u dhexaysa 1 ilaa 10 June si kooxaha loogu ogolaado in ay diwaan galiyaan xiddigaha ka hor koobka kooxaha adduunka.

Tani waxay la macno tahay in kooxaha sida Chelsea, Liverpool iyo Manchester City ay ciyaartoy cusub ku soo dari karaan kooxdooda wakhtiga tartanka cusub ee FIFA.

Suuqa ayaa markaas mar kale xirmi doonta ilaa Juun 16, ka hor inta aysan furneen xagaaga ilaa Sebtembar 1 si waafaqsan horyaalada kale ee Yurub.

Madrid ayaa ku raad joogtay Alexander-Arnold in muddo ah ka dib markii ay arkeen dalab 20 milyan oo laga diiday suuqii January.

Alexander-Arnold waa mid ka mid ah seddexda ciyaaryahan ee ugu waa weyn Liverpool ee si xor ah uga tagi kara xagaagan, waxaana ku wehliya daafaca dhexe Virgil van Dijk iyo weeraryahan Mohamed Salah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga