Trent Alexander-Arnold Oo Laga Saaray Waajibaadka Xulka England.

Trent Alexander-Arnold ayaa isaga baxay xulka qaranka England wuxuuna wajahayaa tartan waqti ah si uu taam ugu noqdo kulamada waaweyn ee ay Liverpool la ciyaari doonto Real Madrid iyo Manchester City.

Daafaca midig ayaa la saaray kadib 25 daqiiqo kulankii ay Liverpool 2/0 kaga badisay Aston Villa Sabtidii taas oo wal-wal ku ah Arne Slot iyo kooxdiisa.

Waxaa hadda la xaqiijiyay in uu dhaawac ka soo gaaray muruqa isla markaana uu ka badbaadiyay dhaawac halis ah.

The Times ayaa ku warameysa in 26-sano jirkaan uu garoomada ka maqnaan doono muddo labo isbuuc ah, waxaana uu durba ka baxay waajibaadka England, iyadoo seddexda libaax ay la ciyaari doonaan Greece iyo Ireland labadii kulan ee ugu danbeysay ee Nations League.

Daafaca ayaa mar horeba ka ciyaarayay xanuunka ka dib markii uu soo gaadhay xanuun intii lagu jiray fasaxii ugu dambeeyay ee caalamiga ah waxana uu durba bilaabay baxnaanistiisa.

Laakiin hadda waxaa jira walaac laga qabo in Alexander-Arnold uu dib ugu soo laaban waayo marka ay kooxdiisu dib ugu soo laabanayso kulamada iyada oo Reds la ciyaari doonto kulamo adag oo ay ka mid yihiin Man City iyo Real Madrid.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga