Trent Alexander-Arnold Oo Laba Shardi Ku Xidhay In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Liverpool.

Dooda ayaa sii socota ee ku saabsan mustaqbalka seddexda ciyaaryahan ee Liverpool, Mohamed Salah, Virgil van Dijk iyo Trent Alexander-Arnold.

Qandaraaska Salah, Arnold, iyo Van Dijk ee Liverpool ayaa dhacaya dhamaadka xili ciyaareedkan xor u yihiin in ay la hadlaan kooxaha kale suuqa January.

Liverpool ayaa hadda hogaanka u haysa kala saraynta horyaalka Ingiriiska iyada oo 6 dhibcood ka saraysa kooxda ugu dhaw ee Arsenal.

Suxufiga Ben Jacobs ayaa iftiimiyay in Liverpool ay saaran tahay cadaadis joogto ah, gaar ahaan xiisaha Real Madrid ee Arnold.

Trent ayaan wali Liverpool waxba u sheegin hadii uu joogi doono iyo hadii uu bixi doono, dalabka kooxda ayaana miiska u saaran.

Dhankiisa, Arnold wuxuu ka doonayaa Liverpool heshiis 3 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda Iyo in uu noqdo kabtanka kooxda ee mustaqbalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga