Trent Alexander-Arnold Oo Ku Soo Laabanaya Premier League.

Warbixinno ka imanaya warbaahinta Isbaanishka ayaa sheegaya in kooxda Manchester United ay isu diyaarinayso inay soo bandhigto dalab gaaraya 40 milyan oo gini si ay ula soo wareegto daafaca midig ee Trent Alexander-Arnold, oo ka tirsan Real Madrid, tallaabadan oo ujeeddadeedu tahay xoojinta daafaca suuqa kala iibsiga ee soo socda.

Isha warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay in Manchester City iyo Newcastle United labaduba ay si dhow ula socdaan xaaladda, iyadoo tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga caalamiga ah ee Ingiriiska uu sii xoogeysanayo.

Arrintan ayaa si gaar ah u timid iyadoo Alexander-Arnold uu wajahayo caqabado la xiriira la qabsiga nolosha Spain, hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedkiisa, iyo dhaawacyo soo noqnoqday.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga