Trent Alexander Arnold Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Liverpool.

LIVERPOOL, ENGLAND - SEPTEMBER 03: (THE SUN OUT, THE SUN ON SUNDAY OUT) Trent Alexander-Arnold of Liverpool during the Premier League match between Liverpool FC and Aston Villa at Anfield on September 03, 2023 in Liverpool, England. (Photo by Andrew Powell/Liverpool FC via Getty Images)

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England Trent Alexander-Arnold, daafaca midig ee Liverpool, ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa Reds.

26-sano jirkaan ayaa Reds ku hogaamiyay guul 1-0 ah oo ay ka gaareen Leicester City fiidnimadii Axada kulan ka tirsanaa wareega 33-aad ee horyaalka England Premier League.

“Waxaan sheegay xilli ciyaareedka oo dhan inaanan ka hadli doonin xaaladayda hadda, ma doonayo inaan faahfaahin ka bixiyo,” Arnold ayaa ku yiri hadal uu soo saaray ciyaarta ka dib, sida ay warinayso Sky Sports.

Waxa uu intaa ku daray: “Laakiin maalmahan oo kale mar walba waa kuwo gaar ah, goolal dhalin waan ku Faraxsanahay in aan kooxda caawiyo”.

Waxa uu carabka ku adkeeyay: “Hadda aad ayaan ugu dhawnahay inaan ku guuleysano Premier League, kulankaan waa kulankii iigu horeeyay kadib markii aan ka soo laabtay dhaawac, wuxuu ii ahaa kulan muhiim ah”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga